Qaraxyo lagu burburiyay dhamaan dhismahii garoonka diyaaradaha degmada Buula burte

0
99

Axad, September, 19, 2021 (HOL) – Wararka ka imaanaya degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab ay la beegsadeen dhismaha garoonka diyaaradaha degmadaasi oo dhawaan lee lasoo gabagabeeyay dhismahiisa.

Qaraxyo isugu jira miinada nooca dhulka lagu aaso iyo bambaanooyin ayaa la sheegay in Shabaab u adeegsadeen burburinta dhisme aad u qurux badnaa oo laga hirgaliyay garoonka Buula burte, kaasoo bilahii lasoo dhaafay la dhisaayay.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxyada miinada dhulka lagu aasay ahaa ay ku dhinteen laba ruux sadax kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhismaha Al-shabaab ay ku burburiyeen qaraxyada oo la sheegay in dhamaantiisa dhulka uu ku darsoomay ayaa lagu waday in maalmaha soo socda ay xariga ka jaraan madaxda maamulka Hirshabeelle.

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada XFS Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inuu si weyn u Cambaareynayo qaraxyada Al-shabaab ay ku burburiyeen dhismahii garoonka diyaaradaha Buula burte.

“Waxaan aad u cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ay maanta ku burburiyeen garoonkii diyaaradaha degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan. Waxay caadeysteen in ay cunnaqabateeyaan dadka masaakiinta ee aan waxba galabsan, dhibaateeyaan, isla markaana kala dagaalamaan horumarkasta oo ay bulshada ku hamiso” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Buula burte iyo kan Hirshabeelle oo la xariira weerarka Shabaab ku burburiyeen dhismahii garoonka diyaaradaha degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com