Ugu yaraan 11 qof oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo shalay galabtii ka dhacay magaalada Muqdisho

0
50

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) – Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qof isku soo xiray walxaha qarxa uu shalay galabtii isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taal degmada Wadajir ee Muqdisho.

Daadir Xasan, oo ah sarkaal ka tirsan booliska caasimadda Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay in qofka ismiidaamiyay uu bartilmaameedsaday goob shaah laga cabo oo mashquul badan oo ku dhow xerada tababarka ciidamada ee jeneral Dhega badan oo ah goob amnigeeda aad loo ilaaliyo

Dhowr qof oo u badan dad rayid ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa ismiidaaminta waxaana loola cararay isbitaallada si loo daweeyo.

Xerada tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan ayaa ku taal meel boqolaal talaabo u jirta halkii uu ismiidaamiyuhu isku qarxiyay, waxaana goobta joogay ciidamo aad u fara badan sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ismiidaaminta ah ee shalay galab ka dhacay Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku dileen 11 askari iyo dhaawaca 16 kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay weerarkaan, wuxuuna ku tilmaamay fal waxashnimo ah oo muujinaya sida Al-Shabaab ay ugu ooman yihiin dhiigga shacabka Soomaaliyeed, sida uu sheegay raysal wasaaraha.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com