Cabdiwali Gaas oo si adag uga hadlay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo Iyo Rooble

0
151

Arbaco, September, 15, 2021 (HOL) – Raysal wasaarahii hore ee Soomaaliya, ahaana Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee ka dhex taagan madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax..

Cabdiwali Gaas oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay iney nasiib darro weyn tahay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble oo uu sheegay iney iskala baxeen xeyndaabkii dowladnimada Soomaaliya.

Waxuu intaasi ku daray in is qabqabsiga xiligaan aanan loo baahneen, maadama uu horseedayo dhibaatooyin la xariira howl maalmeedka dowladnimada iyo shaqooyinka horyaala dowladda sida doorashooyinka uu dalka u jiheystay iney qabsoonto.

“Khilaafka sababay is qabqabsiga hoggaanka dalka wuxuu salka ku hayaa kiiska Ikraan Tahliil, waxa haboon in loo daayo Hay’addaha Shaqadoodu tahay ee Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha iyo Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida, balse waxaad moodaa in qof walba uu siduu doono u wajahayo arinta” ayuu yiri Raysal wasaraahii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Gaas.

Cabdiwali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in qoraalada ay iskugu jawaabayaan Farmaajo iyo Rooble ay u horseedi karto labadoodaba dhibaato siyaasadeed oo dhanka mustaqbalkooda ah, islamar ahaantaana waxii dhibaato oo dalka ka dhaca ay labadooda masuul ka yihiiin.

Hadalkan kasoo yeeray Cabdiwali gaas ayaa imaanaya xili wali aanan xal waare laga gaarin khilaaf noocii ugu darnaa oo ka dhex jiraya Farmaajo iyo Rooble, kaasoo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ilaa hadda shacabka Soomaaliyeed xata ku jahwareersan yihiin.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com