Wasiir Toorno “Somaliland waxay ka dowladnimo wanaagsantahay 68”

0
119

Isniin, September, 13, 2021 (HOL) – Wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa sheegay in Somaliland ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo caalamka ku yaala.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka dowladnimo wanaagsantahay, kala badh dalalka Afrika, dhamaan dalalka Jaamacadda Carabta marka laga reebo waddanka Tunusia oo Somaliland isku heer yihiin dhinaca dowlad wanaaga.

“Somaliland waxay ka dowladnimo wanaagsantahay 68 dal oo adduunyada ku yaala oo ay ku jiraan labo kuwa awooda leh ah, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay kala badh dalalka Afrika, waxay ka dowladnimo wanaagsantahay ururka Jaamacadda Carabta dhamaan, marka laga reebo Tunusia oo inala heer ah” ayuu yidhi wasiir Toorno.

Inkasta oo aanu wasiir Toorno sheegin meesha uu ka keenay xogtan iyo cida soo saartay, hadana Somaliland waxa lagu tilmaama dimuquraadiyadda ugu fiican ee ka jirta Bariga Afrika sida ay qoreen wargaysyada The economist iyo The elephant.

Dhinaca kale warbixin uu sanadkii 2017 soo saaray Aqalka Xoriyada Maraykanka (Freedom house) ayaa lagu sheegay in xaqa shacabka Somaliland ka helaan xukuumadooda uu ka badan yahay xaqa ay waddamada kale ee Geeska Afrika shacabkoodu ka helaan xukuumadahooda.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com