Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo waan waan ka dhex bilaabay Farmaajo iyo Rooble

0
50

Jimco, September, 10, 2021 (HOL) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa Muqdisho u tagay sidii ay waan waan uga dhex bilaabi lahaayeen madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble oo khilaafkoodu meel adag uu gaaray.

Labada madaxweyne ayaa la kulmay raysal wasaaraha iyo madaxweynaha, waxayna kala hadleen in aysan qaadin tallaabooyin kale oo sii hurin kara khilaafka ka dhexeeya.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu aqbaleen dhex dhexaadinta laga dhex wado, inkastoo mid walbaa uu la yimid sharuudo ku xiran wada hadalka laga dhex bilaabay.

Raysal wasaare Rooble ayaa ku adkaystay in taliye Bashiir Goobe uu yahay taliyaha NISA, sidoo kalena madaxweyne Farmaajo wuxuu ku adkaysanayaa in tallaabooyinkii uu qaaday raysal wasaaruhu aanay waxba ka jirin.

Kulamada ayaa la sheegay in maanto oo jimco ah in ay sii soconayaan islamarkaana labada madaxweyne ay rajo wanaagsan ka qabaan in ugu dambayn la heshiisiiyo labada masuul ee dalka ugu sareeyo, si aanu khilaafkooda uu saamayn ugu yeelan arrimaha doorashada.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com