Guddiga doorashooyinka Hirshabeelle oo madaxweyne Guudlaawe ka codsaday inuu soo gudbiyo musharraxiinta aqalka sare

0
93

Axad, September, 5, 2021 (HOL) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Hirshabele ayaa warqad codsi ah u diray Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullahi Xuseen inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta utartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa maanta lagu wadaa inuu soo magacaabo qaar kamid ah musharraxiinta kuraasta aqalka sare, laakiin madaxweynaha waxaa saaraan culays siyaasadeed oo kaga imaanaya qaar kamid ah kuraasta oo ay wada doonayaan siyaasiyiin isugu jira mucaarad iyo muxaafidba.

Guddiga doorashada heer federal ayaa u qabtay jadwalka doorashada aqalka sare in lagusoo gabagabeeyo 18ka bishaan September.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com