Xisbiga Waddani oo ka hadlay isku shaandhaynta madaxweynaha Somaliland

Must read

Jimco, September, 3, 2021 (HOL)- Xogeeyaha arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, ayaa ku andacooday in isku shaandhayntii uu maalintii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku sameeyay golaha wasiirada ay Somaliland ka dhigtay qoys.

Xogeeyaha ayaa madaxweynaha ku dhaliilay in uu badanka xilalka waawayn ee xukuumadiisa ku taxay masuuliyiin kasoo jeeda beeshiisa.

“Waxan u arkaa isku shaandhaynta uu madaxweynuhu shalay sameeyay qarankii Somaliland oo qoys isku badalay, dhamaan wasaaradihii halbowlayaasha qarankan u ahaa reer baa wada qaatay, beesha dhexe ee uu madaxweynuhu kasoo jeedo ayuu si badheedh ah u siiyay,” ayuu yidhi xogeeyuhu.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isku shaandhayntii ugu balaadhnayd  ku sameeyay golihiisa wasiirada tan iyo markii uu xilka lawareegay sanadkii 2017.

Abdilahi Abdirahman Mahamed, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com

More articles

Latest article