Madaxweyne Mustafe cagjar “Waan ka walbahaarsanahay run ahaan arrinta sicir bararka”

0
75

Talaado, Agoosto, 31, 2021 (HOL) – Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa mar uu ka hadlayay shir loo qabtay qaybaha kala duwan ee haweenka magaalada Jigjiga ka hadlay arrinta sicir bararka oo ahayd mid muddooyinkii u dambaysay degaanka saamayn wayn ku yeelatay.

Haddaba ugu horeyn Madaxweynaha ayaa xusay in sicir bararku uu keenay arrinta dalka ka jirta iyo colaadaha ka soconaya waqooyiga dalka, taasi oo sababtay inay daciifto lacagtii waddanku oo hoos u dhacdo, xalkuna ku jiro xaaladda dalka oo degta iyo waliba dhaqaalaha waddanka oo hagaaga, balse dawladdu intaa sii wadi doonto sidii loo xakamayn lahaa sicir bararka.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Mustafe sheegay in hadda ka hor go’aan dawladdu u qaadatay in lasameeyo shirkad iyadu soo iibisa raashinada, dollarkana ka qaadata bangiga, si sarrifka uu unoqdo midka bangigu bixinayo oo aysan maciishaduna qaali u noqon.

Geesta kale Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay inuu aad uga walbahaarsan yahay arrinta sicir bararka, wuxuuna xusay in haddii dollarku istaagi waayo oo sicir bararku sii socdo ay jiri karto qaabab kale oo loo xalin karo markaa, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwaynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday arrin aan ka dhicin midda maciishada iyo sicir bararka, oo ah kirada guryaha oo uu sheegay inay dawladdu ka fikirayso waxay ka yeeli lahayd kirada guryaha oo aad qaali u ah, iyadoo shirar lagali doonta qaybaha kala duwan ee bulshada degaanka, si xal loogu helo arrimahan.

Magaalada Jigjiga ayay dadku aad uga cabanayaan kirada guryaha oo aad qaali u ah, iyadoo guryo badan oo kiradoodu qaali tahay ay dhinaca kale u dhamaystirnayn waxyaabihii kale ee nolosha aasaasiga u ahaa.

Hotellada laseexdo ee jiifka leh ayaa iyaguna soo raaca oo qiimo aad u sareeya lagu seexdaa, waxayna arrimahani kusoo hagaagayaan xilli magaaladu ay la ciirciirayso dad badni, oo dadkii dal iyo dibadba aad ugu soo qulqulayaan magaalada, waxayna arrintani keentay in guryihii kirada ahaa qiimahoodu qaali noqdo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
jawharyare@hiiraan.com