Xisbiga Waddani oo beeniyay hadal kasoo yeedhay afhayeenka Kulmiye

0
113

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) – Xogeeyaha guud ee xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa beeniyay hadal uu afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan sheegay oo ahaa in doorashada madaxtooyadu aanay qabsoomayn sanadka 2022.

Xogeeyaha ayaa hadalka afhayeenka Kulmiye ku tilmaamay gole ka fuul uu iska yidhi oo aan xaqiiqada Ku salaysnayn, isla markaana wuxu sheegay in afhayeen xisbi aanu go’aan ka gaadhi karin xiliga doorashadu dhacayso.

“Doorashadu waa arrin qaran, maaha wax afhayeen xisbi uu go’aan ka gaadhi karo, hadalkiisu golo kafuul ayuu iska ahaa oo way ka taraaraxday, madax sare oo Kulmiye ah ayaanu la hadalnay oo noo sheegay in anay waxba ka jirin” ayuu yidhi Khadar.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni, ayaa meel fagaare ah ka sheegay in doorashada madaxtooyadu anay dhacaynin sanadka danbe isla markaana la qabanayo doorashooyinka guurtida iyo axsaabta siyaasada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com