Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Must read

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) – Faahfaahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho

Qaraxa ayaa la sheegay inuu fuliyay ruux isku soo xiray walxa qarxa, kaasoo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo xarunta Taliska Booliiska gobolka Banaadir oo ay ku sugnayeen dad shacab ah iyo ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay sadax ruux oo laba ka mid ah ahayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo qofkii fuliyay qaraxa, waxaana jira tiro kale oo ku dhaawacantay qaraxa inkastoo aanan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee dadka ku dhaawacmay qaraxa.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ku saabsan qaraxa goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com

More articles

Latest article