Wasiir Fiqi “Gulufka waa sii socon doona ilaa dadkeenu ka helaan Xoriyad”

0
124

Isniin, Agoosto, 9, 2021 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Amniga maamul goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay iney ku howlan yihiin sidii shacabka reer Galmudug ay u heli lahayeen ku noolaashaha xoriyad buuxda.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay ayaa sidoo kale sheegay in gulufka dagaalka ay kula jiraan dagaalamayaasha Al-shabaab ay sii socon doonaan ilaa dadka reer Galmudug ay ka helayaan xoriyad nololeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan dooneyno waa xoriyad dadkeenu helaan, waana sii soconaya gulufka dagaal, hada waxaan kasoo xureynay cadawga deegaano badan oo dadka ku dhibaateyn jireen oo ay dadka iyo xoolahoodaba ay ku xukumen, hada wan ka soo xureynay dadka deegaanada Qeycad iyo Camaara inta kale ee wali ay dhibateynayaana wan ka xureyneyna” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Maamulka Galmudug ayaa mudo laba bilood ku dhaw dagaalo xiriir ah kula jira Al-shabaabka ku sugan deegaanada Galmudug, waxayna gacanta ku dhigeen deegaano dhowr ah oo horay uga talinayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com