Maraykanka oo difaacay duqeymihii uu fuliyay Soomaaliya todobaadkii hore

0
330

Axad, Luulyo, 25, 2021 (HOL) – Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqeymaha mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Hadalkaan ayaa u muuqday mid wasaaradda gaashaadhigga Maraykanka kaga jawaabayso qoraal kasoo baxay xildhibaan Ilhan Omar oo su’aallo ka keentay duqeymihii ugu dambeeyay ee Galmudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isaga la safraya ee ku sugan saldhigga ciiddamada cirka ee Alaska.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Al-Shabaab ku bartilmaameedsaday labo duqeyn oo dhacday 20-kii July iyo 23-kii July, ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad uu soo galay markii uu talada la wareegay Madaxweyne Joe Biden.

Milatariga Soomaaliya ayaa loollan adag oo dhanka dhulka ah la galay Al-Shabaabkii ku sugnaa maamulka Galmudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday labada duqeyn oo diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen.

Milatariga Mareykanka ayaa fuliyay 63 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab sanadkii 2019 iyo 53 duqeyn ah oo sanadkii hore ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sharraxaad ka bixiyay gaabiska ku yimid duqeymaha iyagoo u cuskanaya dib u eegis maamulka Biden uu ku sameeyay siyaasadda duulimaadka militariga.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga walaacsanayd duqeymo la’aanta taasoo kooxda Alshabaab u ogolaatay inay ka soo baxaan dhuumashada.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com