Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgalo ka sameeyay qeybo ka mid ah Muqdisho

Must read

Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) – Ciidamada dowladda Soomaiya ayaa Xalay howgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Wartanabadda iyo Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in howlgalada ay ku sameynayeen baaritaan la xiriira guri guri, islamarkaana si gaar ah baaritaano dheeraad ah waxay ugu sameynayeen dhalinyarada, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dadka xaafadaha baaritaanada lagu sameeyay ee degan degmooyinka Wartanabadda iyo Hodan.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ku saabsan howgalada iyo baaritaanada ay xalay ka sameyeen xaafado ka tirsan Hodan iyo Wartanabadda ee magaalada Muqdisho.

Howlgaladan ayaa imaanaya xili amniga Muqdisho habeenadii lasoo dhaafay ay kuso kordhayeen cabsida dhaca loo geysto dadka shacabka ah, inkastoo ay xusid mudan tahay in habeen hore tiro Madaafiic ah lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo agagaarkeeda, taasina la is dhihi karo iney ka dambeyso howlgalada Xalay bilaabeen ciidanka dowladda.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com

More articles

Latest article