Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir oo ka badbaaday weerar ismiidaamin ah

0
128

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) – Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa ka badbaaday Qarax loo adeegsaday gaari kaas oo lagu weeraray kolonyada taliyaha oo marayay Isgoyska Banaadir.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa qoraal kooban uu soo dhigay Bartiisa waxa uu ku sheegay in Taliye Farxaan uu nabad qabo isla markaana uu ka badbaaday qaraxa lala damacsanaa.

“Weerar Argagixisadu soo maleegtay ayaa lagu weeraray gaari laga soo buuxshay walxaha Qarxa, kaas oo lagu weeray Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Farxan Maxamuud,” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Sadiiq waxa uu tilmaamay in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxa balse ma sheegin inta uu gaarsiisan yahay, “Taliyuhu wuu nabad qabaa, waloow uu jiro qasaaro qaraxu reebay” ayuu ku yiri qoraalkiisa Afhayeenka Booliiska.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com