Xisbiga Waddani oo digniin u diray xildhibaanada xisbiyada mucaaradka

0
75

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) – Afhayeenka xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, ayaa xildhibaanada mucaaradka uga digay in ay laaluush ka qataan xukuumada.

Afhayeen Batuun ayaa sheegay in ay aamin sanyihiin in xukuumadu laaluushayso xildhibaanada mucaaradka.

“Marka dagaal la galo ee laba col isqabtaan cida gurmadka u baahata ayaa jabta, cida dhaqaale suuqa laso gashay ayaa jabtay” ayuu yidhi.

Batuun ayaa xildhibaanada uga digay in ay qaataan wax laaluush ah.

“Cashuurta laga qaaday hooyada milicda fadhida, ee aan suuli haysan, ee aan caafimaad haysan ka qaadanaya iyo ka bixinayaaba waa damiir laawe yaal” ayuu yidhi.

“Waxan leeyahay masuuliyada xildhibaanadu Alle hakaga baqaan” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xukuumada iyo axsaabta mucaaradka ah ayaa loolan ugu  jira sidii uu midba midka kale ugaga guulaysan lahaa shir gudoonka wakiilada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com