Guddiga doorashada dowlad goboleedka Puntland oo doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa

0
56

Talaado, Luulyo, 6, 2021 (HOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Puntland, kuwaas oo doortay guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Xilka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Puntland waxaa isku soo sharaxay Cabdikariin Muuse Maxamed, kaasoo aysan jirin cid isku soo taagtay iney la tartanto waxa uuna ku guuleystay dhamaan codadkii xubnaha guddiga oo gaarayay 11 cod.

Waxaa sidoo kale isna la doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga waxaana isku soo tagay qabashada xilkaasi Ceynaanshe Yuusuf Xuseen, mana jirin cid kale oo isku soo sharaxday iney la tartanto Ceynaanshe, taasi oo keentay inuu noqdo guddoomiye ku xigeenka guddiga ceynaanshe Yuusuf oo helay 11 cod.

Waxaa horay guddoono iyo ku xigeeno u doortay maamulada Koofur Galbeed, Galmudug, waxaana sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda iyagana guddoono iyo ku xigeenadooda iney doortaan maamulada Hirshabeelle, Jubbaland, kuwa golada Waqooyi iyo Beelaha Banaadiriga.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com
https://imasdk.googleapis.com/js/core/bridge3.470.1_en.html#goog_1107259732