Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo ka hadlay howlgalo laga sameeyay wadada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo

0
449

Jimco, Luulyo 2, 2021 (HOL) – Howlgalo isbaaro qaadis ah oo aay si wadajir ah u sameyeen ciidamada Daraawiishta maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga fuliyay wadada xariirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlagalka ciidamada ayaa waxaa hoggaaminaayay wasiirada Amniga iyo Arrimaha gudaha maamulka Koofur Galbeed iyo Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa mudada aay howlgalada ku guda jireen waxay qaadeen isbaarooyin dhowr ah oo aay ka mid yihiin Balow, Daa’uud, Buulle, Isbaaro Taraafiko, iyo waliba dhufeyso Maleeshiyo beeleed ka sameysteen gudaha degmada Walaweyn ee gobolka Sh/hoose.

“Maanta ayaa Degmada Wanlaweyn laga fuliyay howlgal lagu nadiifinayo isbaatooyinka yaalay nawaaxiga degmadaas. Wafti ay horkacayeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed ayaa qaaday Isbaaraayinka, iyadoo masuuliyada sugida Amniga degmadaasna loo dayay Saldhiga Boliiska Degmada Wanlaweyn, sida uu qabo sharciga Nabadgelyada Guud ee Qaranka” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in howlgalada isbaaro qaadista lagu soo qabtay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo lacago sharci daro ah ka qaadayay gaadiidka dadweynaha ee wadadaasi isticmaala.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com