Somaliland oo xayiradii ka qaaday shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai

0
148

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) – Mareeyaha hay’ada duulimaadyada Somaliland Cumar Sayid Cabdilaahi, ayaa sheegay in la fasaxay shirkada Fly Dubai.

Mareeyaha ayaa sheegay in Fly Dubai oo mudo xayiraadi saarnayd la fasaxay kadib markii ay xukuumada Somaliland heshiis la gashay.

“Dowlada Somaliland waxay go’aamisay in diyarad kasta oo calan waddan sidata heshiis lala galo” ayuu yidhi.

“Waddankii labaad ee Somaliland heshiis la gala waa Imarada Dubai, iyadoo heshiis kaas lagu go’aamiyay in diyarada dib loo fasaxo” ayuu hadalkiisa ku daray.

Mareeyaha ayaa sheegay in waddan kasta oo danaynaya in diyaaradihiisu isticmalan madaarada Somaliland ay heshiis ku iman doonaan.

Mareeyaha ayaa sheegay in Fly Dubai loo hakiyay shuruudo anay buuxin darteed, isla markana hada la fasaxay kadib markii ay heshiis galeen.

Fly Dubai ayaa la joojiyay sanadkii hore ee 2020.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com