Dowladda Maraykanka oo ku baaqday in si degdeg ah loo dhameystiro hannaanka doorashada Soomaaliya

0
196

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) – Dowladda Maraykanka ayaa ugu baaqday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay si  deg deg ah oo ugu macquulsan usoo geba-gebeeyaan hanaanka doorashada dalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken oo Soomaaliya u dirayay hambalyada maalinta xoriyadda ayaa sheegay, in ay muhiim tahay wada shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka, si loosoo qabto doorashooyin hufan oo nabad ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdisa ay faraxsan tahay inay sii waddoo taageerada ay siiso dadaallada madaxda Soomaalida ee ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah.

Talaadadii lasoo dhaafay golaha wadatashiga qaran ayaa isku raacay jadwal cusub oo loo dejiyey doorashada Soomaaliya, kadib shir muddo labo maalin ah uga socday magaalada Muqdisho, kaas oo dib loogu qiimaynayay heshiiskii 27ka May.

Jadwalka cusub ee doorashada ee lasoo saaray ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha dalka ay dhacdo 10-ka October 2021

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com