Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabilay Wafdi ka socday Booliiska INTERPOL

0
81

Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.

Kulanka dhexmaray Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed iyo xubnaha ka socday Booliiska Caalamiga ah ayaa looga hadlay sidii aay isaga kaashan lahayeen howlaha horumarinta Booliiska iyo kor u qaadista tababarada ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlay ka mid ahaa wada shaqeyn heer caalami ah oo dhexmarta Booliiska Soomaaliya iyo Booliiska INTERPOL.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo bah wadaag la ah ciidanka Booliiska, G/sare Maxamed Aadan Koofi waxaana labada dhinac aay isla meel dhigeen iney dhexmarto wada shaqeyn buuxda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com