Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo go’aan kasoo saaray lacagta kontonka dollar ee horay loo diiday

0
79

Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) – Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in la qaadan karo lacagta kontonka dollarka, taasoo bilihii ugu dambeeyay laga diidanaa suuqyada sarifka iyo bangiyada kuyaala Soomaaliya.

Masuuliyiinta bangiga oo shir la qaatay madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay, xawaaladaha iyo shirkaddaha bixiya adeegga lacagaha moobaylka ayaa sheegay diidmada lacagtaas, in ay ka dhalatay been abuur ku saabsan in suuqyada lasoo galiyay lacago faaliso oo ah konton dollar.

Bangiga iyo masuuliyiinta kale waxay isku afgarteen in dib loo bilaabo socodsiinta lacagta kontonka dollar ee muddada hakadka ku jirtay islamarkaana aysan jirin lacag been abuur ah oo suuqa lasoo galiyay. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com