Al-shabaab oo sheegtay iney la wareegeen deegaano ku yaala gobolka Sh/dhexe

0
99

Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay iney la wareegeen deegaano badan oo ku yaala gobolka Sh/dhexe oo aay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa barta aay ku leeyihiin Internet-ka ku daabacay qoraalo aay ku sheeganayaan iney la wareegeen deegaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Raage Ceelle oo dhamaantood ka tirsan gobolka sh/dhexe, halkaaso oo mudooyinkii dambe dagaalo xoogan ku dhexmarayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab.

Deegaanada Al-shabaab aay sheegteen iney la wareegeen waxaa ka mid ah Warciise, Qoordheere, iyo deegaano kale halkaas oo aay sheegeen iney isaga baxeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa muddooyinkii dambe.

Deegaanadan aay Al-shabaab dib ula wareegeen waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaalo aad u qaraaraa oo dhexmaray Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka oo ku saabsan ka bixitaanka deegaanadii aay horay ugu sugnayeen, waxaana la sheegay in ciidankii deegaanadaasi baneeyay oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raagge inay gaareen degmada Raage Ceelle ee gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com