Xulka kubada cagta Soomaaliya oo guul darro kala kulmay xulka Cumaan

0
154

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) – Xulka kubada cagta Soomaaliya ayaa caawa la kulmay guul darro 2-1 ah oo kasoo gaartay cayaar ay la dheeleen xulka dalka Cumaan, cayaar katirsanayd isreebreebka tartanka kubada cagta wadamada Carabta.

Soomaaliya ayaa haddii ay badin lahayd waxay si toos ah uga mid noqon lahayd wadamada ka qeyb galaya tartankaan oo bisha 11-aad ee sanadkan ka bilaaban doona magaalada Doha ee dalka Qatar.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa xulka kubada cagta Soomaaliya oo ay ka muuqatay diyaar garow xooggan, waxaa looga dhaliyay labo gool oo mid kamid ah uu ahaa gool ku laad ama rigoore.

Qeybtii dambe ee cayaarta ayay wiilasha matalayay Soomaaliya la yimaadeen hal gool oo dib usoo nooleeyay rajadooda. Balse kuma guulaysan in ay la yimaadaan goolka labaad ee ay tartanka uga hareen.

Daqiiqadii ugu dambeysay cayaarta, cayaaryahanka numberka 9-aad u xiran Soomaaliya ayaa khasaariyay fursad aad u weyn oo uu gool u bedeli karay, hase yeeshee gool hayaha Cuman ayaa ka badbaadiyay.

Qaab cayaareedka xulka Soomaaliya wuxuu ahaa mid wanaagsan, inkastoo dhameystirkoodu uu liitay, taasoo keentay in ay fursado badan khasaariyaan.

Dalka Cuman ayaa ka qeyb gali doona tartanka FIFA Arab Cup, wuxuuna ku biiridoonaa guruub ay kuwada jiraan, dalalka Qatar iyo  Iraq.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com