Qorshaha Amniga doorashooyinka dalka oo la shaaciyay

0
174

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) – Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sameeyay guddiga ka shaqeyn doona amniga doorashooyinka dalka.

Guddiga amniga doorashooyinka ee uu magacaabay Raysal wasaare Rooble waxaa ka mid ah Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliyaha AMISOM, kuwaas oo dhamaantood la sheegay iney ku shaqeyn doonaan amarka Raysal wasaare Rooble.

Guddigan Amni ayaa qorshahoodu yahay iney hagaan xaqiijinta hanaanka amniga ee doorashada dalka iyo goobaha aay ka dhaceyso.

Waxaa sidoo kale qorshaha amni ka mid ah in goobaha aay ka dhaceyso doorashooyinka dalka la geeyo ciidamo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Booliiska AMISOM.

Hoos ka akhriso qorshaha Amniga oo dhameystiran.