Faahfaahino kasoo baxaya qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Must read

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Caawa ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo la sheegay in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayay Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in qaraxa uu ahaa miino lagu xiray gaariga.

Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana la sheegaya inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay dhaawaca sadax qof oo wada saarna mooto Bajaaj iyo ruuxa watay gaariga qarxay ayay dhaawacyo culus kasoo gaareen qaraxa caawa kuwaas oo la geeyay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Dhawaqa qaraxyo kale ayaa caawa laga maqlaya gudaha magaalada Muqdisho waxaana la sheegay iney ciidamada amaanka qarxinayaan qaraxyo aay gacanta ku dhigeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com

More articles

Latest article