Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo isku raacay xoojinta xiriirka labada dowladood

0
193

Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa isla meel dhigay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dib usoo celinta xiriirkii diblumaasiyadeed ee labada dowladood

Warsaxafadeed kasoo baxay wasiiradaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu sheegay in labada dowladood aay isla garteen xoojinta xiriirka amniga, ganacsiga, iyo cilaaqaadka ka dhaxeeyay labada wadan.

Wasiirada labada dowladood ayaa sidoo kale isla gartay in deg deg loo furo Safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi oo aay sheegeen iney muhiimad weyn u leedahay xiriirka iskaashi ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya.

labada wasiir ayaa gabagabadii wadahadal waqti dheer qaatay kadib oo ku dhexmaray khadka Taleefanka waxaa hoosta ka riiqeen dib u furista labada Safaradood ee Muqdisho iyo Nairobi iyo waliba xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada wadan.