Xiriirka kubada cagta Soomaaliya oo shaqadii ka eryay tababarihii cusbaa ee loo magacabaay xulka Soomaaliya

0
203

Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL) – Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, ayaa shaqadii ka ceyriyay tababarihii xulka kubada Soomaaliya. Abdellatif Salef, oo ah muwaadin  ka soo jeeda Morocco, wax ka yar seddex isbuuc markii loo magacaabay xilka tababaranimo ee Ocean Stars.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in tababaraha uusan lahayn anshax iyo xirfad-yaqaannimo ay tahay inuu ku leyliyo xulka Soomaaliya.

“Ciyaartoyda kuma qanacsana tababarkiisa, madaama xirfadiisa iyo khibradiisa aysan aheyn kuwa heerka xulka, halka xitaa uusan la imaan qorshe tababar ”ayaa lagu yiri warbixinta lagasoo saaray shaqo ka eryadiisa, iyadoo intaa lagu daray in tababaraha uu ku guuldareystay inuu la shaqeeyo kooxdiisa farsamada.

Ceyrinta tababaraha ayaa timid dhowr saacadood ka hor inta aysan Soomaaliya la ciyaarin Jabuuti ciyaar saaxiibtinimo oo xalay fiidkii dhacday, taasoo xulka Soomaaliya looga badiyay hal iyo eber.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com