Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay xildhibanada cusub ee xisbiga Kulmiye ku matali doona golaha wakiilada

0
291

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan dardaaran iyo hogo tusaalayn ah la qaatay xildhibaanada xisbiga Kulmiye ku matali doona golaha wakiilada ee cusub.

Madaxweynaha ayaa xildhibaanada golaha wakiilada xisbiga Kulmiye ku matali doona siiyay dardaaran.

“Waxad kusoo dhawaataan xag xagasho badan oo aan xaqlaydunku lahayn, waxad kusoo dhawaatan in aad qaranka iyo gobolkii la idinka soo doortayba u shaqayn kartaan” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo jeediyay in la garab istaago wasiir kii hore ee arrimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, oo u sharaxan jagada shir gudoonka golaha wakiilada.

“Waan ogahay in wax badani idinka guuxayo oo mustaqbal ku saabsan oo dhibkaad soo marteen ku saabsan, oo nafihiina ku saabsan oo aad doonaysan in aad ka hadashaan, anuu waxan dhisayaa Yaasiin” ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Faratoon uu Somaliland wax badan usoo qabtay isla markaana uu ka qayb qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii maal mihii adkaa sida daradeedna ay tahay in la taageero.

Madaxweynaha ayaa sidookale sheegay in xisbiga Kulmiye uu amaan balaadhan ku helay doorashooyinkii Somaliland ka dhacay.

“Kulmiye doorashada guusha uu ka gaadhay haduu boqol xildhibaan helo kamuu gaadheen, caalamka oodhan ayaa ka markhaati kacay in Kulmiye uu Somaliland danteeda iyo ictiraafkeeda ku raadjoogo” ayuu yidhi.

Kulanka madaxweynaha iyo xildhibaanada cusub ayaa ahaa kulan is xograyasi iyo dardaaran ah isla markaana xisbiga Kulmiye ugu diyaar garoobayo tartanta doorashada shirgudoonka wakiilada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com