Xisbiga UCID oo ka tanaasulay loolanka doorashada mayor ka caasimada Haragaysa

0
215

Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) – Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa Cabdikariim Axmed Mooge, oo kaso baxay xisbiga Waddani uga tanaasulay loolanka mayornimada Hargaysa.

“Waxan halkan ku caddaynayaa in aan u tanaasulay walaalkay Cabdikariim Axmed Mooge” Sidaa waxa yidhi Siciid Cabdisamad Cudhay oo markii hore xisbiga UCID u sharaxay in uu noqdo mayorka Hargaysa.

Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge ayaa isaguna uga mahadceliyay xildhibaan Cudhay tanaasulaada uu u sameeyay.

“Aad ayaan ugu mahadnaqayaa walalkay, howl buu inaga furtay, qofkasta oo uga mudnaaba shacabkiisa uu jecelyahay ayuu u tanaasulayaa” ayuu yidhi Mooge.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in laba xisbi mucaarad ay markii hore ku heshiiyeen in Waddani qaato guddoomiyeha wakiilada xisbiga UCID na qaato mayorka Hargaysa lakin ay ixtiraameen codka shacabka.

“Waxanu ku heshiinay in Waddani qaato guddoomiyaha wakiilada ana aan qaato mayorka cidna duulimaad kumanaan ahayne waxanu doonaynay in isla xisaabtan la helo, codka shacabka waa in la taageera dadku wuu hadlaye” ayuu yidhi.

Cabdikariim Axmed Mooge oo aha xildhibaan kii ugu codka badnaa doorashooyinkii Somaliland ka dhacay, oo u ordaya doorashada mayorka Hargaysa ayay hada u muuqata in uu xaadhay wadadii uu umari laha mayorka Hargaysa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan OnlineAbdilahi@hiiraan.com