Qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula beegsaday dhalinyaro doonaysay in ay ku biiraan ciidamada militariga

0
124

Talaado, Juun, 15, 2021 (HOL) – Qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan ayaa lala beegsaday dhalinayro ah dooneysay inay ku biiraan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa uu isku dhex qarxiyay dhalinyaradan xilli ay safaf ugu jireen  in loo qoro ciidan, kuwaas oo joogay dibada xerada Gen Dhego badan oo ku taala degmada Wadajir.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in goobta laga qaaday in ka badan maydka 10 dhalinyaro ah iyo dhaawac intaas ka badan.

Illaa hadda ma jiro wax wara oo kasoo baxey dawladda federaalka ee Soomaaliya, oo ku saabsan qaraxa ka dhacay xerada tababarka ciidamada Gen. Dhego badan.

Alshabaab ayaa horay Muqdisho uga geystay qaraxyo nuucaan kale ah oo lagu beegsaday ciidamo tababar isku diyaarinayay ama kuwa loosoo xiray.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ay qaadanayso saraakiisha iyo saraakiil xigeenada ay u baahan yihiin ciidamada qalabka sida.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com