Raysal wasaare Rooble Musharax Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo waa ii siman yihiin

0
131

Jimco, Juun, 11, 2021  (HOL) – Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo aheyd mid isaga lagu soo dhaweynaayay oo ka dhacday degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Xaflada lagu soo dhaweynayay Rayal wasaare Rooble waxaa u sameeyay Siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Deyniile.

Xubnahii kala duwana ee xaflad ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay iney bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee uu qabtay Raysal wasaare Rooble sida inuu ka shaqeeyay xasiloonida Caasimada iyo inuu dalka u dhaqaaqo doorasho xor iyo xalaal ah.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay xaflada soo dhaweyntiisa ee Deyniile loogu sameeyay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii uu dalka u gaarsiin lahaa doorasho ku saleysan cadaalad iney qabsoonto.

“Aniga dhankeyga ka Raysal wasaare ahaan waxaan ka shaqeyn doona doorasho cadaalad ah, waxaan tusaale usoo qaadanayaa hadii aay tartamaan Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre oo musharax ah iyo madaxweyne Farmaajo iney ii siman yihiin” ayuu yiri Raysal Wasaare Rooble.

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhaweynta aay u sameyeen bulshada ku dhaqan degmada Deyniile isagoona uga mahadceliyay qeybaha kala duwan ee kasoo shaqeeyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com