Kenya oo shaacisay in ay dib u furayso Safaaradeedii Muqdisho

Must read

Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) – Kenya iyo Soomaaliya waxay dib ugu soo laabteen dhabbihii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ka dib khilaaf daba dheeraaday oo labada dal ka dhaxeeyay tan iyo sanadkii hore.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa Isniintii maanta shaacisay in ay ku dhaqaaqi doonta tallaabo dib loogu furayo safaaraddeedii Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan.

Kenya waxay dhinaceeda ku casuuntay Safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu ku laabto Nairobi oo uu shaqadiisa dib u bilaabo.

Arrintan ayaa waxay imaaneysaa maalmo kadib markii Kenya ay dib u fasaxday hawadeeda duulimaadyada ka imaanaya Soomaaliya iyo kuwa ka baxaya Kenya.

Soomaaliya ayaa horay u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya bishii Diseembar 2020, iyadoo ku eedeysay xadgudubyo joogto ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Soomaaliya iyo faragelinta arrimaha gudaha.

More articles

Latest article