Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ciidamadii lagu tababaray Eritrea ay ka dagaalameen gudaha Ethiiopia

0
218

Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) – Wasiirka warfaafinta dowladda Soomaaliya, Cusmaan Abukar Dubbe ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamo Soomaaliyeed oo lagu tababarayay dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalada ka socda dalka Ethiopia.

Wasiirka warfaafinta oo qabtay oo shiraa’id oo ay dowladda kaga jawaabaysay mudaharaad ka dhacay Muqdisho, ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka in ay olole doorasho ka dhigteen in dhegaha shacabka lagusoo celceliyo warar aan waxba ka jirin.

“Ma ahan markii koowaad oo aynu maqalnay warkan, waa markii 9-aad ama tobnaad oo aan maqalno. Mar kaste oo la sheegana waxay noqotaa wax kama jiraan oo waa la ogaadaa in ay been tahay,” ayuu yiri Dubbe.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay ciidamada Soomaaliya ugu maqan Eritrea in ay lamid yihiin ciidamada kale ee Turkiga ku maqan. Wuxuuna sheegay in aysan habo yaraatee waxba ka jirin in ciidamo Soomaaliyeed lagu qabsaday Tigree ama ay ku sugan yihiin magaalada Akzum.

Hadalka wasiir Dubbe ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu maanta ka dhacay mudaharaad cabasho ah oo ay dhigeen waalidiinta ciidamada tababarka ugu maqan Eritrea.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com