Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay iney gacanta ku dhigeen Shabakad dhalinyarada dalka ka dhoofin jirtay

0
185

Isniin, Juun, 14, 2021 (HOL) – Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo aay sheegeen in ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Muqdisho lagu soo qabqabtay dad kala duwan.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe oo shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka amaanka aay gacanta kuso dhigeen rag iyo haween uu sheegay iney dhalinyaro badan aay ka tahriibin jireen magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliiska ayaa intaasi ku daray in dadka aay ciidamada soo qabteen tiradoodu tahay 27 qof oo isugu jira rag iyo dumar, iyadoo 27 ruux 22 ka mid ah yihiin dumar waxaana dhamaantood lagu sheegay iney sifo sharci daro ah magaalada Muqdisho uga dhoofin jireen dhalinyaro farabadan.

Waxuu intaasi ku daray in kooxdan wax tahriibisa aay ciidanka Booliska gacanta kuso dhigeen 8-dii bishan lagu jiro, islamarkaana baaritaano lagu wado la horkeeni doono sharciga.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Booliska aay wadaan howgalo kale oo lagula dagaalamayo kooxo hubeysan oo xiliyad habeenkii ah dhac ka geysta qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, islamarkaana qaarkood aay gacanta kuso dhigeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com