Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed oo soo dhameystiray xubnaha Guddiyadda Doorashada

0
162

Jimco, Juun, 11, 2021, (HOL) – Maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa soo badelay xubnahii eedeynta laga soo gudbiyay lagu helay ee ku jiray guddiyada lagu murunsanaa ee doorashooyinka dalka.

Dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa soo badeshay afar xubnood oo laga soo gudbiyay eedeymo ah ineysan ka mid noqon karin guddiyada doorashada.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa sidoo kale isna dhankiisa soo badelay laba xubnood oo iyagana lagu heley eedeymahii loo jeediyay ee ahaa ineysan guddiyada ka mid ahaan karin.

Hoos ka akhriso Qoraalada labada maamul Goboleed.