Hoggaamiye sare oo ka tirsan al-Shabaab oo lagu qabtay gobolka Shabeelada dhexe

0
191

Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida ay xireen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda al-Shabaab kadib hawlgal ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Booliska Hirshabeelle waxay xireen hoggaamiye sare oo ka tirsan ururka Alshabaab kadib howl gal ay si wada jir ah uga sameeyeen tuulooyinka War Ciise iyo Aqab Duco oo ku dhow magaalada Jowhar,” ayuu yiri afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo bartiisa Twitter-ka ku qoray.

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa gobolka Shabeeladda dhexe ka wada howlgal labo todobaad soconaya oo ka dhan ah al-Shabaab, illaa iyo hadda waxaa lagu dilay 130 dagaalame, waxaana la xoreeyay lix tuulo, sida wararku sheegayaan.

Gelinkii dambe ee Isniinta, ugu yaraan 60 dagaalame oo katirsan al-Shabaab, oo ay ku jiraan ajaanib, taliyayaal sarsare iyo khubaro bambooyinka sameeya ayaa ku geeriyooday kadib markii ay bombo kula qarxday gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegeen militarigu.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com