Maxay ka dhigantahay guusha Barkhad Jaamac Batuun uu ka gaadhay doorashooyinka Somaliland ?

0
187

Axad, Juun, 6, 2021 (HOL) – Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo kasoo jeeda bulshada loogu yeedho “beelaha lahayb sooco” oo aan abid matalaad ku yeelan golayaasha Somaliland, ayaa guul taariikhi ah kaso hooyay doorashadii wakiilad ee Somaliland.

Batuun oo ka sharaxnaa xisbiga Waddani, ayaa kusoo baxay codadkii ugu badnaa ee abid qof musharax golaha wakiilada ahi kusoo baxo taariikhda Somaliland, isagoo helay codad ka badan 20 kun oo cod.

Guusha taariikhiga ah ee Batuun ayay dad badani rumaysanyahiin in ay macno iyo milgo u yeelayso dimuquraadiyada ay Somaliland ku faanto isla markaana ay ka turjumayso dayrkii qabyaalada oo la jabiyay.

“Waxa hubaal ah arrintani in ay ka turjumayso bilowga balaysinka bisaylka bulshada reer Hargaysa, waxay ka turjumaysa boholyawga loo qabo xildhibaano qaran oo aan lagu soo doran isirkooda” sida waxa Facebook giisa ku qoray siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka gargaarka dowlada federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa guusha Batuun ku tilmaantay in ay caddayn u tahay dhab nimada dimuquraadiyada Somaliland.

“Shacabka Somaliland dimuquraadiyada waad ka dhabayseen, afka baarkiisa idinkama aha” ayay tidhi wasiir Khadiija iyada oo qoob ka ciyaar ku ciyaaraysa (dheelaysa) heeso Somaliland loo sameeyay xili ay u debbaal dagaysay guushiisa.

D.R Maxamed Cabdi Gaboose oo horay xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland, ayaa xiligii ollolaha doorashada lagu jiray sheegay in quruxda doorashada Somaliland ku xidhantahay sida Barkhad laga yeelo.

“Doorashadani waxay xambaarsantahay qiyam iyo qiimo iyo imtixaan balaadhan, astaanta doorashadan gabigeeduba waa Barkhad Jaamac Batuun sida laga yeelo” ayuu yidhi D.R Gaboose.

“Astaanta caalamku eegayo ee inta damiir koodu noolyahay eegayaan waxa weeyi maalinta doorashadu dhamaato halka uu ku dhamaado Barkhad” ayuu D.R Gaboose hadalkiisa kusii daray.

Barkhad Jaamac X. Batuun oo doorashadiisi kadib warbaahinta kala hadlay shacabka Somaliland gaar ahaana bulshada uu kasoo jeedo, ayaa guushisa ku tilmaamay in aytahay mid jibisay dayrkii quudhsiga iyo qabiilka.

“Maanta waxaynu duminay dayrkii dulmiga, waxaynu muujinay muruqeena, maskaxdeena, waxaynu muujinay muwaadinimadeena iyo macnaha aynu dalka ku leenahay” ayuu yidhi.

“Majiri doonto waa laga tiro badanyahay, waala hayb sooca, waala yasaa” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guusha Barkhad Jaamac X. Batuun oo noqday xildhibaankii codadkii ugu badnaa abid kusoo baxa ayaa la micno ah jabka qabyaalada iyo quudhsiga iyo in bulshadu u bislaatay in ay qofka ku dooran karaan afkaartiisa siyaasadeed iyada oo aan la eegayn haybtiisa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com