Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Berbera

0
127

Axad, May, 30, 2021 (HOL) – Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku nafwaysay inta in ka badanina way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay duleed ka galbeed ee magaalo xeebedka Berbera.

3 kamida dadka dhintay, ayaa ahaa shaqaale ka howl gala dekeda Berbera, oo u safrayay magaalada Dacar-budhuq si ay uga soo codeeyaan maalinta bari ah.

Shilka ayaa dhacay kadib markay ay isku dhaceen gaadhi Vitz ah iyo bas.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan Online
Abdilahi@hiraan.com