Sheekh Shariif oo ka hadlay xaalada dalka iyo heshiiskii doorashada madaxda Soomaalida

0
401

Axad, May, 30, 2021 ( HOL ) – Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskii doorashada ee dhawaan lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay munaasabad lagu sagootinaayay madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa u mahadceliyay shanta madaxweyne goboleed kaalintii aay ka qaateen in heshiis buuxa laga gaaro arrimahii hortaagna doorashoyinka dalka.

” Waxaan u mahadcelinaya cid kasta oo ka  hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sida ciidamada qalabka sida madaxda dowlad goboleedyada, oo kaalin wanaagsan ka qaatay in laga hortago inuu dalka galo dagaalo sokeeye” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray hadalkiisa in shacabka Soomaaliyeed aay yihiin kuwa u bisil hanaanka dowladnimo, islamarkaana aay diyaar u yihiin in doorasho ka dhacda dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com