Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Safiirka Talayaaniga iyo balan qaadyo loo sameeyay maamulka Galmudug

0
252

Isniin, May, 24, 2021 ( HOL ) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wasiirkiisa Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha dowladda Talayaaniga Alberto Vecchi iyo ku xigeenkiisa.

Kulanka ayay kaga wada hadleen sidii deegaanada Galmudug loo horumarin lahaa iyo waliba sidii aay u dardargalin laheyd dowladda Talayaaniga howlaha horumarineed oo aay baahi weyn u qabaan shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug.

Safiirka Talayaaniga ayaa u xaqiijiyay madaxda maamulka Galmudug iney dowladiisa sii xoojin doonto taageerada aay la garab taagan tahay shacabka iyo maamulka Galmudug.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa uga mahadceliyay dowladda Talayaaniga garab istaaga taageerada iyo maalgelinta mashaariicda horumarineed, isagoona sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com