Jenaraal Odawaa “Ku dhawaad 100 dagaalame ayaan ka dilnay kooxda Al-shabaab”

0
114

Axad, May, 30, 2021 ( HOL ) – Taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalo culus oo muddooyinkii dambe ku dhexmarayay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Howlgalkan lagula dagaalamaayay dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab ayaa waxaa hoggaaminaayay Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Deegaanada aay dagaaladu ka dhaceen ee laga saaray gacanta Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah Wardhagax, Warciise, Galbashiir, Gaaleef, Jilable, Qoordheere, Galka Xaarey iyo Cali Fooldheere oo dhamaantood ah deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Jenaraal Odawaa Yuusuf oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay iney khasaaro xoogan aay u geysteen dagaalyahanada Al-shabaab oo aay ka dileen in ka badan 50 meeyo isugu jirta askar iyo Saraakiil, islamarkaana aay kasoo furteen hub iyo gaadiid dagaal.

“Howlgalka socday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ciidankeenu guulo muhiim ah ayuu ka gaaray jab badan ayaan u geysanay Shabaab askar 50 ka badan ayaan ka dilnay kuwana nolosha ayaan ku qabanay” ayuu yiri Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Taliyaha ciidanka ayaa intaasi ku daray in howlagalada lagula dagaalamayo Al-shabaab iney sii wadi doonaan inta aay ka saarayaan dhamaan deegaanada gobolka Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com