Golaha Midowga Musharaxiinta oo maanta gudbinaya Xubnaha gudiyadda doorashada ee cabashada ka qabaan

0
114

Isniin, May, 31, 2021 (HOL) – Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta aay Xukuumadda Soomaaliya u gudbiyaan liiska Xubnaha ku jira guddigii la murunsanaa ee horay cabshada xoogan uga timid ee labada heer ee doorashoiyinka dalka.

Xubnaha aay doonayaan Midowga Musharaxiinta in maanta Xukuumadda u gudbiyaan ayaa la sheegaya in tiro ahaan aay gaarayaan labaatameeyo ruux oo aay ku eedeyeen iney ka tirsan yihiin shaqaalaha dowladda iyo Ciidamada Nabad sugida.

Guddiga heerka wasiiro ee uu magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa iyagana looga fadhiyaa soo xaqiijinta eedeymaha iyo cabashada la xariirta liiska Xubnaha laga cabanaayo ee ku jira guddiga doorashooyinka dalka.

Liiska Xubnaha la filaayo iney maanta gudbiyaan Midowga Musharaxiinta ayaa qeyb ka ah si looga gudbo caqabadaha wali hortaagan arrimaha dorashooyinka iyo waliba fulinta qodobadii lagu heshiiyay shirkii wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com