Dowladda Soomaaliya oo shaacisay iney diyaarisay qorshaha sugida amniga doorashada dalka

0
136

Axad, May, 23, 2021 ( HOL ) – Wasiirka wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay iney diyaariyeen qorshayaashii aay ku sugi lahayeen amniga doorashada dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay iney diyaariyeen ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa sugitaanka amaanka goobaha doorashooyinka dalka aay ka dhacayaan oo aay kaliya ka war sugayaan natiijooyinka kasoo bixi doona Shirka Qaran ee u socda madaxda Fedaraalka iyo kuwa dowladd goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalintii labaad galay, lana soo gabagabeyn doono Beri oo Isniin ah sida uu sheegay wasiir Xundubey.

“Waxaan rajo wanaagsan ka qabaa shirka Qaran ee maalintii labaad ka socda Teendhada Afisyooni inuu noqon doono mid mira dhala oo heshiis lagu gaaro si dalka aay uga qabsoonto doorasho wadar ongol ah, wasaaraddana waay u diyaar garowday xaqiijinta amniga goobaha doorashoyinka ka dhacayaan” ayuu yiri wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcale.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya, iyadoo maalintii labaad uu galay Shirka Afisyooni uga socda madaxda dalka kaaso laga filaayo iney kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan si dalka aay uga qabsoonto doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo muddo dhowr bilood ah la isku mari la’aa sida aay u qabsoomi karto.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com