Dil ka dhacay magaalada Jowhar iyo Banaanbax xoogan oo ka bilawday

0
173

Isniin, May, 31, 2021 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada Haramcad aay ku dileen qof shacab ah.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Buulo-makiino oo ka tirsan degmada Jowhar xili la sheegay in ciidamada Haramcad aay howlgalo ka wadeen xaafadaasi.

Ninka shacabka ah oo aay dileen ciidanka Haramcad ayaa la sheegay iney guriga ugu galeen dabadeedna aay amar siiyeen uu ka madax adeegay taasoo keentay iney rasaas ladhacaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ninka aay dileen ciidanka Haramcad uu ahaa nin madaxa looga jiray, waxaana dilkiisa kadib dadku aay bilaabeen banaanbaxyo rabashado wata oo aay kaga soo horjeedaan dilka loo geystay ninka shacabka ahaa.

Banaanbaxayaasha ayaa hakad geliyay isku socodka dadka iyo gaadiidka wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Jowhar, majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan dilka iyo banaanbaxa halkaasi ka socda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com