Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen 37 dagaalamayaasha Al-Shabaab

0
151

Axad, May, 30, 2021 ( HOL ) – Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen 37 katirsan kooxda Al-Shabaab, habeenimadii Jimcaha xilli ay socdeen howgallo milatari oo Alshabaab looga sifeynayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyay gobolada Shabeellada dhexe iyo Mudug halkaas oo ay ku sugnaayeen mintidiinta Alshabaab, waxaana lagu dilay 37 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabab.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay maxaabiis kooban, sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciiidanka xoogga dalka ee SNA.

Ciidamada dowladda ayaa xoojiyay howlgalada amaanka ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab, xilli dalku isku diyaarinayo in lagu qabto 60 maalmood gudohood doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com