Majaajilaystihii caanka ahaa ee Sooraan oo ku geeriyooday magaalada Burco

0
147

Arbaco, May, 26, 2021 (HOL) – Sooraan Ismaaciil Sugulle oo aha mid Kamida majaajilaystayaasha loogu jecelyahay taariikhda casriga ah ee fanka Soomaalida, ayaa ku geeriyooday magaalada Burco kadib in muddo ah oo uu u jiifay caabuqa Covid-19.

Caabuqa ayaa majaajilaystaha haleelay kadib markii uu kasoo laabtay safar uu ku joogay dalka Jabuuti oo uu kaga qayb galay doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Jilaaga ayaa isbitaal ku yaala magaalada Burco la dhigay 16 bishan May, halkaasi oo uu ugu danbayntii maanta ku geeriyooday.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay wararku sheegayeen in xaalada jilaagani soo fiicnaanayso oo uu kasoo kabanayo caabuqa.

Sooraan ayaa aha mid kamida majaalaystayaasha loogu jecelyahay ee fanka Soomaalida, wuxuuna caan ku aha riwaayado gaagaban iyo filimo taxanayaal ah oo TVyada laga baahin jiray.
Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com