Faahfaahin kasoo baxeysa qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

0
117

Jimco, May, 28, 2021 ( HOL ) – Qaraxan oo ahaa mid jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-4 gaar ahaan wadada aada garoonka Aadan Cadde nawaaxiga Hotal Afrik.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa nooca dhulka lagu aaso ee Miinada la dhigo hareeraha wadada, waxaana lala beegsaday gaari nooca aanan xabada karin oo uu saarna sarkaal ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Daahir.

Sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa ka badbaaday weerarka waxana la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa miino mid ka mid ahaa ilaaladiisa.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay waxayna baaritaano ka bilaabeen goobta inkastoo aaysan jirin ilaa hadda cid loo soo qabtay qaraxaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com