Odayaal dhaqameedyo magaalada Baledweyne lagu Xirxiray

0
191

Sabti, May, 22, 2021 ( HOL ) – Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa howlgalo aay ka sameyeen xaafadaha qaar ee magaalada Baledweyne, waxay kusoo xirxireen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan gaar ahaan odayaasha dhaqanka beelaha ku dagaalamaya duuleedka Waqooyi Galbeed ee magaalada Baledweyne.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xariga Odayaasha uu la xariiro amaro uga yimid dhanka Al-shabaab oo ahaa iney tagaan deegaanka Buq-aqable, kuna sii jeedeen si aay u tagaan deegaankaasi oo aay maamulaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab

Odayaasha la xiray ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa 6 oday dhaqameed oo kasoo kala jeeda laba beelood oo walaalo ah oo muddo bil ku dhaw ku dagaalamaya deegaano dhaco duuleedka Waqooyi Galbeed ee magaalada Baledweyne.

Ma ahan markii ugu horeysay oo aay Shabaab u yeeraan odayaal dhaqameedyo ku sugan Baledweyne, balse arintaan ayaa imaaneysa xili odayaasha labadan beelood uu shir lagu heshiisiinaayo uu ka socdo gudaha Baledweyne kaasoo aay goobjoogayaal ka yihiin wasiiro, Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle kuwaas oo Baledweyne u yimid joojinta dagaalka iyo xal u helistiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com