John Mahama oo iska casilay xilkii Midowga Afrika u magacaabay ee dhexdhaxaadinta doorashada Soomaaliya

0
130

Jimco, May, 21, 2021 (HOL) – Madaxweynihii hore dalka Ghana ,John Dramani Mahama ayaa warqad uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu ku sheegay inuu iska casilay magacaabista Wakiilkii Sare ee dhex dhexaadinta arrimaha doorashada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki ayaa aqbalay warqadda uu u qoray John Mahama ee uu ku sheegay inuu isaga tagay xilkii loo magacabay.

Mahama oo magacaabistiisa ay si wada jir ah u soo dhoweeyeen Golaha Musharaxiinta iyo Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, wuxuuu u sheegay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, in taageero la’aanta Dowladda Soomaaliya ay khatar gelin karto rajada nabada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan warqad ay u dirtay midowga Afrika waxay ku diiday ergayga loosoo magacaabay dhexdhexaadinta doorashada, iyadoo ku eedeeysay inuu xidhiidh ganacsi kala dhexeeyo Kenya.

Dowladdu waxay sheegtay in marba haddii lagu heshiiyay in dib loogu laabto heshiiskii 17 september aysan jirin sabab loogu baahan yahay ergayga.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Onlineabdiwali.sheikh@hiiraan.com