Dagaal beeleed maanta markale ka dhacay duuleedka Baledweyne Iyo wasaarada arrimaha gudaha oo ka hadashay

0
165

Jimco, May, 21, 2021 (HOL) – Dagaalo qaraar ayaa maanta markale ku dhexmaray deegaanka Dharkeynta ee duuleedka Magaalada Baledweyne laba Maleeshiyo beeleed oo muddo laba todobaad ka badan ku dagaalamaya deegaano ku yaala Galbeedka Baledweyne.

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay dagaalka maanta inkastoo aanan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka maanta.

Dagaalkan ayaa imaanaya xili gudaha magaalada Baledweyne maalintii shalay aheyd shir lagu heshiisiinaayo labada beelood uu ka furmay magaalada Baledweyne kaasoo aay gar wadeen ka yihiin wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Faderaalka iyo maamulka Hirshabeelle kuwaas oo dhawaan Baledweyne u yimid xal u helida dagaalka u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed.

Dhanka kale wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soonaaliya ayaa ku baaqday in deg deg loo joojiyo dagaal beeleedka ka socda duuleedka Baledweyne.

Wasaaradda ayaa sidoo kale fartay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada labada beelood iney ka qeyb qaataan dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in lagusoo afjaro dirirta u dhaxeeysa labada Maleeshiyo beeleed ee walaalaha ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
jamaal@hiiraan.com